Waqtigan xaadirka ah, Raiisel Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Boris Johnson ayaa qabanaya shir jaraa’id kadib heshiiskii ganacsiga ee lasoo afjaray kaasi oo u dhaxeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub .
– Aad baan ugu faraxsanahay inaan idiin sheego in aan dhaqan gelinay heshiiskii ganacsi ee ugu weynaa abid, ayuu yidhi Johnson oo sii waday hadalkiisa:
– Waa heshiis muhiim u ahaa shaqooyinka Ingiriiska. Heshiis u oggolaanaya shirkadaheena inay xitaa ganacsi badan la yeeshaan asxaabteena reer Yurub.
Johnson wuxuu kaloo rumeysan yahay in heshiiska uu waxtar u leeyahay qaaradda oo dhan:
– Tani, waxaan u maleynayaa, inay heshiis fiican u tahay Yurub oo dhan.
Hadalka Boris ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahan khilaaf xoogan u dhaxeeyay Midowga Yurub iyo UK taasi oo salka ku heysa Nuuca Heshiiska labada dhinac ah.