Home Wararka Maanta War hada AH:- Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo ku heshiiyay Heshiis Ganacsi

War hada AH:- Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo ku heshiiyay Heshiis Ganacsi

0
Foto: Francisco Seco © Scanpix)
Midowga Yurub iyo Boqortooyada Midowday waxay gaareen heshiis ganacsi kadib Brexit, iyagoo soo afjaraya bilooyin khilaafaadyo ka taagnaa xuquuqda kalluumeysiga iyo xeerarka ganacsiga mustaqbalka.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Downing Street, Boris Johnson wuxuu ku yiri: “Waxaan dib ula wareegnay xakameynta sharciyadayada iyo aayaheena.”

Qoraalka heshiiska weli lama sii deyn, laakiin RW wuxuu sheegay inuu ahaa “heshiis u wanaagsan Yurub oo dhan”.

Boqortooyada Midowday ayaa qarka u saarneyd inay ka baxdo sharciyada ganacsiga ee Midowga Yurub Khamiista soo socota hadii aan heshiis la gaarin – sanad kadib markii ay si rasmi ah uga baxday 27-kii dal ee xubnaha ka ahaa.

Waxay macnaheedu noqon doontaa isbeddello waaweyn oo xagga ganacsiga ah, iyadoo Boqortooyada Midowday iyo Midowga Yurub ay sameysanayaan laba suuq oo kala duwan, iyo dhammaadka dhaqdhaqaaqa xorta ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here