Home Wararka Caalamka Raisel Wasaaraha UK Boris Johnson oo ka hadley Heshiiska Ganacsi ee lala...

Raisel Wasaaraha UK Boris Johnson oo ka hadley Heshiiska Ganacsi ee lala gaaray Midowga Yurub

0

Waqtigan xaadirka ah, Raiisel Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Boris Johnson ayaa qabanaya shir jaraa’id kadib heshiiskii ganacsiga ee  lasoo afjaray kaasi oo u dhaxeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub .

– Aad baan ugu faraxsanahay inaan idiin sheego in aan dhaqan gelinay heshiiskii ganacsi ee ugu weynaa abid, ayuu yidhi Johnson oo sii waday hadalkiisa:

– Waa heshiis muhiim u ahaa shaqooyinka Ingiriiska. Heshiis u oggolaanaya shirkadaheena inay xitaa ganacsi badan la yeeshaan asxaabteena reer Yurub.

Johnson wuxuu kaloo rumeysan yahay in heshiiska uu waxtar u leeyahay qaaradda oo dhan:

– Tani, waxaan u maleynayaa, inay heshiis fiican u tahay Yurub oo dhan.

Hadalka Boris ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahan khilaaf xoogan u dhaxeeyay Midowga Yurub iyo UK taasi oo salka ku heysa Nuuca Heshiiska labada dhinac ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here