Home Wararka Maanta Norwey oo Sharciga u diiday midna siisay Labo Wiil oo walaalo ah

Norwey oo Sharciga u diiday midna siisay Labo Wiil oo walaalo ah

0

Dhacdooyin adag ayaa ka dhaca Dalka norway taasi oo saameyn ku yeesha bulshada dhexdeeda isla markana mararka qaarkood aad loo hadal hayo.

Dhacdooyinkaasi waa qeyb ka ah Mustafe iyo Abdel kuwasi oo midkodo sharciga la siiyay halka midka kale loo diiday laguna amray in wadanka laga tarxiilo.

iyagoo 6 sano jir ayay wadanka Norway soogaleen iyagoo la socdo Hooyadood waxana wadanka ay ku noolaayeen mudo 12 sano.

Dhibaatada lagu heesto Qoyskan ayaa ah in Hooyada ay sheegatay Wadanka Falastiin iyadoo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Urdun kiiskaasi oo keenay in Hooyada la tarxiilo halka laga reebay Mustafe iyo Abdel.

Abdel oo dhibaatooyin badan u maray sidii sharciga wadanka u heli lahaa ayaa ugu danbeyn helay sharciga lakin Mustafe hada waa tarxiil suga waxana dib loo dhigay tarxiilkiisa mudo bil ah oo kaliya.

Fend oo ah Shirkada Qareenada Dalka Norway ayaa maanta shaacisay in ay maxkamad la korayaan Hay’ada Qaxootiga ee UNE iyagoo ku heesta jabinta sharciga Dalka.

Somaliska Oslo

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here