Digniin:- wadooyinka oo maanta iyo bari Simbiriix uu ka jiro

Photo/Foto: TT

Stockholm: Waaxda saadaasha hawada ee Iswiidhan ayaa ka digtay in lagu siibto jidadka ku yaal galbeedka Sweden inta lagu guda jiro maalinta Kirismaska. Sida ay qortay Aftonbladet.

Maamulka ayaa digniin ka soo saaray heerka koowaad ee galbeedka Iswiidhan oo ku saabsan halista ka siibashada barafka.

Waxay sheegtay in digniintani ay socon doonto ilaa galabnimada Sabtida roobka iyo barafka ka da’aya Vänerlandskapen, maadaama roobku ku da’i karo meelaha qabow ee wadada, taas oo u horseedi karta si lama filaan ah inuu u siibto.

Khabiirka saadaasha hawada ayaa sidoo kale ka digay baraf ku soo biiraya wadooyinka Uppland maanta

Somaliska Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.