Norway oo kordhisay xayiraadda saaran Dadka kasoo safraya Ingiriiska

Foto: Fredrik Hagen / NTB scanpix

Dadka Britishka ah wali looma ogola inay u safraan Norwey, iyadoo Norway ay kordhisay xayiraada dadka kasoo safraya UK, ilaa 29 December.

Sidaasi waxaa sheegtay wasaarada caafimaadka ee Norway oo warsaxaafadeed soo saartay .

Mamnuucida soo galintaanka Norway ayaa bilowday markii UK laga helay Nuuc kamidah Corona oo aad u faafa.

– Waa lagama maarmaan ah in la sii wado ilaalinta tallaabooyinka si aan waqti ugu helno aqoon dheeraad ah oo ku saabsan fayraska ugana hortagno suurtagalnimada in uu ku faafo Norway, ayuu ku yiri war-saxaafadeedka wasiirka caafimaadka Bent Høie .

– Weli waa suurtagal in duulimaadyada la joojiyo illaa aan ka galeyno sannadka cusub, way sii soconayaan.

Isla nooc ka mid ah fayraska ayaa laga helay Danmark kuwaasi oo sidoo kale laga mamnuucay Norway iyo Sweden.

Somaliska Oslo

Somaliska Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.