Home Wararka Caalamka Trump iyo Putin oo ka wada hadlay soo afjaridda dagaalka Ukraine

Trump iyo Putin oo ka wada hadlay soo afjaridda dagaalka Ukraine

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoo u sheegay inuu doonayo in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka Ukraine.

Sida uu sheegay Kremlin-ka, Trump wuxuu sheegay in haddii dagaalka la soo afjaro ay suuragal noqon karto in si buuxda dib loogu soo celiyo xiriirka Mareykanka iyo Ruushka, arrintaasna Putin uu taageeray.

Wadahadalka oo socday ku dhowaad hal saac ayaa yimid kadib booqasho ay Moscow iyo Kyiv ku tageen ergada Mareykanka ee Steve Witkoff iyo Jared Kushner, kuwaas oo dadaal ugu jira in dib loo bilaabo wada-hadalladii nabadeed ee hakaday.

Inkasta oo kulamadii ay yeesheen aysan keenin heshiis degdeg ah ama horumar muuqda, haddana waxaa la soo hadal qaaday suurtagalnimada in dib loo bilaabo wada-hadallo saddex-geesood ah oo ay ka qayb galaan Ruushka, Ukraine iyo Mareykanka.

Trump iyo Putin ayaa sidoo kale isku raacay muhiimadda ay leedahay in xiriirka labada dal la sii wado, iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine ay socdaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here