Home Wararka Maanta Doorashada Sweden oo kala bar la Tiriyay Codadka Dagmooyinka” Xisbiyadee Hogaaminaya

Doorashada Sweden oo kala bar la Tiriyay Codadka Dagmooyinka” Xisbiyadee Hogaaminaya

0

Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada Sweden, kadib markii la tiriyey codadka kala bar goobaha codbixinta, ayaa muujinaya tartan aad u adag oo u dhexeeya labada garab siyaasadeed.

Xisbiyada casaanka iyo cagaarka ayaa helay 49.3 boqolkiiba codadka, halka xisbiyada garabka Tidö ay heleen 49.2 boqolkiiba.

Sida ay baahisay SVT, farqiga u dhexeeya labada garab ayaa ah ku dhowaad 20,000 cod oo keliya. Tirakoobka la soo saaray kadib markii la tiriyey kala bar goobaha codbixinta ayaa muujinaya in farqiga uu yahay 0.1 dhibic boqolkiiba, iyadoo tirinta codadka intiisa kale ay weli socoto.

Natiijadan aadka isugu dhow ayaa ka dhigan in codadka harsan ay si weyn u saameyn karaan natiijada kama dambaysta ah ee doorashada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here