Nin 34 sano jir ayaa maanta lagu riday Xukun 8 sano ah kadib markii lagu helay Dambi ah Faraxumeyn iyo Xadgudub Galmo u geestay Caruur Gaareysa 30 Caruur ah.
Ninakn ayaa Aalada Snapchat Waxa uu Muuqaalo ugu soo gali jiray Caruurtaasi isagoo ka duubi jiray Muuqaalo iyagoo sameenaya Anshaxumo.
34 sano jirkan ayaa intaasi kadib Caruurta ugu goodin jiray inuu Faafinayo Muuqaalada hadii aysan sameyn Waxa uu rabo sida in ay muuqaalo kale duubaan.
Xeer ilaaliyaha kiiskan Urszula Grabowska ayaa ka gaabsaday inuu bixiyo faafaahino intaasi ka badan.
Dalka Sweden ayaa kamid ah Dalalka Sida aadka ah ay dowlada uga dagaalanto Tacadiyada loo geesto caruurta.
Somalisak Stockholm
Wararka kale ee Maanta
AD