Home Wararka Caalamka Saba Abraham oo lagu dilay Koonfurta Stockholm iyo labo qof oo loo...

Saba Abraham oo lagu dilay Koonfurta Stockholm iyo labo qof oo loo xiray

0

Xeer-ilaalinta Sweden ayaa codsatay in xabsiga la dhigo laba dhallinyaro ah oo kala jira 16 iyo 17 sano, kuwaas oo looga shakisan yahay dilka Saba Abraham, oo ahayd haweeney 24 jir ah oo toogasho lagu dilay xilli ay carruurta iyo dhallinyarada kula shaqaynaysay xarun isboorti oo ku taalla Älvsjö, koonfurta Stockholm.

Saba waxay u shaqaynaysay degmada Stockholm, iyadoo ka hawlgeli jirtay xarun dhallinyaro oo ku taalla Älvsjö. Waxay qayb ka ahayd qabanqaabada hawlo isboorti iyo bulsho oo loogu talagalay in carruurta iyo dhallinyarada loo abuuro goobo ammaan ah oo ay waqtigooda ku qaataan.

Dilku wuxuu dhacay fiidnimadii Jimcaha, 16-ka Oktoobar, abaare 21:00, gudaha xarunta isboortiga ee Kämpetorpshallarna, xilli Saba ay kormeeraysay hawl kubbadda cagta ah.

Waqtiga ay rasaastu dhacaysay, waxaa gudaha xarunta ku sugnaa in ka badan 200 oo qof, kuwaas oo ka qaybgalayay hawlo isboorti oo kala duwan.

Saba ayaa rasaas lagu dhuftay, waxaana loo qaaday isbitaalka. Booliska ayaa geerideeda ku dhawaaqay fiidnimadii Sabtida.

Sida ay baahisay wargeyska Aftonbladet, mid ka mid ah fikradaha ay boolisku baarayaan ayaa ah in toogashadu ay la xiriiri karto aargoosi, kaas oo salka ku haya kiisas dembiyeed oo hore oo la xiriira mid ka mid ah qaraabada marxuumadda.

Wargeysku wuxuu sheegay in qof qaraabo la ah Saba uu dhowaan wax dambi ah ku waayay kiis la xiriiray isku day dil. Qofkaas ayaa sidoo kale hore loogu soo oogay dacwad dil oo kiis kale la xiriirtay, balse lagu waayay wax dambi ah.

Ilaa hadda, si rasmi ah looma xaqiijin in kiisaskan hore ay xiriir la leeyihiin dilka Saba Abraham. Baaritaanka booliska ayaa weli socda si loo ogaado sababta dhabta ah ee ka dambaysay toogashada iyo cidda mas’uulka ka ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here