Baska iyo dadkii bannaanka ku sugnaa ayaa lagu rasaaseeyay goob baska laga raaco oo u dhow magaalada Qadiimiga ah ee Quddus habeenimadii Axadda.
– Waxaan arkayey laba qof oo bannaanka ku dhacay, iyo laba baska ku jirta oo dhiig ka qubanaayo. Qof kastaa wuu argagaxay, ayuu yidhi darawalka baska Daniel Kanievsky.
Adeegga ambalaasta ee Magen David Adom (MDA), oo goobta si degdeg ah ugu soo gurmaday, ayaa dhacdada ku tilmaamay weerar argagixiso. Cisbitaallada Israa’iil ayaa sheegaya in siddeed qof ay ku dhaawacmeen, isla markaana ay xaaladdu halis tahay hal nin iyo hal qof oo dumar ah oo uur laheyd
Haweeneyda uurka leh ayaa cunugeeda waxaa lagu soo qalay qaliin lagu sameeyay isbitaalka la dhigay. Xaaladda ilmaha ayaa ah mid halis ah, laakiin waa ay deggan tahay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay isbitaalka Shaarei Tsedek.
Subaxnimadii Axada, boolisku waxa ay ku dhawaaqeen in la xidhay ninkii falka gaystay. Eedeysanaha ayaa ah nin Falastiini ah oo isku soo dhiibay booliska, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee DPA.