Home News in English Rasmus Paludan oo sii wada gubista Quraanka Isagoo Muslimiinta Sweden kala kulmay...

Rasmus Paludan oo sii wada gubista Quraanka Isagoo Muslimiinta Sweden kala kulmay Go’an Dowlada soo dhaweesay

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Siyaasiga Asalkiisa kasoo jeedo Denmark rasmus paludan ayaa wali sii wada inuu Gobolo kamid ah Sweden ku gubo Quraanka Kariimka.

Sida Dowlada isku diyaarisay waxaa la filayay in Rabshado kale ka dhacaan wadanka lakin Muslimiinta ayaa doortay in aan loo jawaabin inta uu ku guda jiro gubista Quraanka.

Meelaha uu Quraanka ku gubay ilaa hada ma jirin dad iskugu yimid xitaa dadka Swidhishka marka laga reebo Boolis tiro badan oo waardiyo ka haya isaga.

Muslimiinta Wadanka Sweden ayaa doortay in aan loo jawaabin si kamid ah wixii dhacay xiliga fasax Ciida markaasi oo rabshado badan ka dhaceen wadanka.

Rasmus Paludan, hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Denmark, Stram Kors, ayaa tan iyo isniintii abaabulay ilaa 12 isu soo bax dadweyne ah oo ka dhacay magaalada Stockholm, ujeedaduna tahay in la gubo quraanka kariimka ah. 

Booliska ayaa xaqiijiyay in mudaaharaadyadii dhacay ilaa hadda aysan jirin wax rabshado ah oo halkaasi ka dhacay. Marka la barbardhigo wixii dhacay fasaxii Easter-ka oo ay rabshado ka dhaceen Stockholm, Örebro, Malmö iyo meelo kale

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here