Home News in English Magdalena Andersson oo soo bandhigtay Qorshe Wax looga Qabanayo Dambiyada Sweden

Magdalena Andersson oo soo bandhigtay Qorshe Wax looga Qabanayo Dambiyada Sweden

0
Foto: Fredrik Sandberg/TT

ra’iisul wasaaraha ahna hoggaamiyaha xisbiga S Magdalena Andersson, ayaa soo bandhigtay qorshe hawleed looga hortagayo dembiyada Sweden.

“Waxaa jira weeraro qaran oo ka dhan ah toogashada kooxaha gaangiska: ka dhanka ah dambiyada hubka iyo kooxaha burcadda ah,” ayay Andersson ku sheegay shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Göteborg mar ay socdaal doorasho la qadatay wasiirka caddaaladda iyo arrimaha gudaha Morgan Johansson iyo wasiirka maaliyadda Mikael Dampieri.

qaadandoonaan xabsi dheer.”

Andersson waxay soo jeedisay in bilayska loo ogolaado in ay baadhaan “bakhaar kasta, guri kasta, iyo baabuur kasta, oo la rumaysan yahay in hubka lagu kaydiyo, iyada oo aan shuruud looga dhigin in uu jiro tuhun dambiyeed oo la taaban karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in la xoojiyo ka hortagga hubka sharci darrada ah ee ku sugan xuduudka, iyadoo la geynayo kamarado badan oo wax lagu ilaaliyo, lana wanaajiyo wadashaqeynta maamulada.

Xukuumada Andersson ayaa sidoo kale doonaysa in ay badasho xukunka kuwa lagu helay dambiyada daroogada ee halista ah.

Waxay tiri, “Xukunku waa inuusan ka yarayn afar sano oo xarig ah.”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here