Sharciga keenista kharaabada ee 15 April.
By
On May 2, 2010 At 10:31
Category : Socdaalka
Tags : qaraabada, Socdaalka
Responses : Comments are off for this post
Warar is khilaafsan ayay dadka qaar is la dhex marayaan markii laga wada
hadlo sharcigan ay soo saartay Laanta Socdaalka ee Sweden, hadaba waxaan isku daynay in aan helno xaqiiqada saxda ah ee ku saabsan sharcigaan waxaan warbixin ka raadiney ilaha Laanta Socdaa warbixintaan ayaanan ka helnay.
“Haddii aad ku nooshahay Iswiidhan waxaa laga yaabaa in uu ku qabto sharciga dabarista qaraabada, tani macnaheedu waxay tahay in aad dabari karto nafsadaada, aad heysato guri kugu filan, nolol fiicana aad siin karto qaraabadaada si ay u helaan degenaansho Iswiidhan.
Sharcigaan dadka oo dhan ma qabanaayo. Sida.
- Qofka heysta dhalasha Iswiidhan ama dhalashada wadamada midowga yurub.
- Qofka haysta deganaanshaha 4 sano, degenaana wadanka mudadaas.
- Qofka ah caruur ka yar 18 sano.
- Qofka la siiyay sharci qaxootinimo ama loogu dhawaaqay qaxootinimo.
- Qofka la siiyay deganaanshaha ee u baahan badbaadin.
- Qofka heysta sabab qaas ah, sida qofka naafada ah ama aan shaqeyn karin sababo kale awgood.
Sidoo kale sharcigaan kuma qabanaayo haddii sharci magangalyo lagu siiyay wixii ka horeeyay 1 Janaayo ee sanadka 2010. Haddii sharciga laguu siiyay sababtoo ahayd…
- Haddii la dareemay cabsi lagu kalsoonaan karo ee laga yaabo in lagu dilo, lagu jir dilo ama waxyaabo bili’aadanimada ka baxsan lagugu sameeyo.
- Aad u baahneyd magangalyo sabab dagaal sokeeye ama mid shisheeye ee ka jira wadankaag hooyo.
Sidoo kale sharcigaan kuma qabanaayo haddii aad caruurtaada u dacwooneysid ama ayagu ay kuu dacwoonaayaan”.
Warbixintaan oo Swedish ama English ah waxaad ka aqrisan kartaa migrationsverket.se
Warbixintaan oo dheer waxaad ka akhrisan kartaa qaybteena Information-ka riix Sharciga degaanka ee reeraha isdalbanaya

waxaaan xareestay foomka shantii march caruurteydu waa yar yaryihiin cunugu iigu weyn waa 11jir waxaa la i balamiyay bisha 8aad sharcigaan dadka uu qabanaayo ma ku jiraa
waxaan joogaa kenya waxaa ii dacwoonaayo ninkeyga
marka waxaa na iga codsanaa inuu sharcigaan iqabanaayo iyo in kale ii soo sheegtaan ayaan rabaa plz
U codee:
0
0
Ayaan walaal inta aan ogahay ee aan ka soo xigtay laanta socdaalka sharcigaan in uusan ku qabaneyn ayaan rajeynayaa. Inkastoo ay iska cadahay waalidka ilmihiisa u dacwoonaaya in uusan sharcigan qabaneyn, xaaska iyo ilmaha iima cada wali balse insha Allah, mardhow warbixin dhameystiran ayaan ini siin doonaa.
Mardhow waxaan wareysi la yeelan doonaa laanta socdaalka Sweden, insha Allah su’aashaada waan u bandhigi doonaa.
U codee:
0
0
Waan kufarax sanahay webkan Afsomaliga ah Ee sidawacan ufaah faahinaya hawlaha dalka Sweden kaga xidhan Somalida ..
Waxaan aragnay dad lagusoo diiday pass mahaysataan Hadaysooqaatana Lama aqoonsana Passka somaliga maxaykadamac sanyihiin Sweden…
U codee:
0
0
sxb waan idin su aalay sxb waxaad iiweydiisaan hayada socdaalka inee iiga jawaabto su aashaan ooh aniga waxaan heysataa sharciga qaxootiga waxaan udac woonayaa naagteeda kaliyah marka sxb iyo 2caruur yar yar oo ila dhalatay iyo midaan soo korsaday sxb marka ma iqabanaa sxb sharcigaan sxb sxb mida kale waxaa iiga soo jawaabtaan xaaskeygaa oo UK joogto ayaan rabaa inaan utago sxb marka sxb sharciga qaxootiga fiisa la aan maku tagi karaa sxb hadaad awoodaan iiga soo jawaaba su aalahaan mida danbo sxb hadaad awoodaan waad iiweydiin karataa safaarada UK ee sweden waad mahad santihiin walaala yaal
U codee:
0
0
Asc xassan! hadii aan isku dayo in aan ka juwaabo su,aashada 1. waxaa u dacwootay xaaskaagii iyo 2 ilmood oo kula dhalatay iyo mid aad soo korsatay,waxaana u fahmay in aad sidaas u sheegtay laanta socdaalka. 1.horta marka ugu horeesa way adagtahay in ilmo aadan dhalin lakeeno lakin hadii ee san la,aantaa noolaankarin waa macquul. 2 xaga xaaska adiga waxaa laguu fiirinayaa in sharciga lagu siiyey wiixii kahoreyey 1da bishii koobaad ee sanadkan lakin hadii xaaskagu ilmo kuu heeso kuma qabanayo. Mida kusaabsan socdaalka UK. sxb hadii aad heesatid baasboorka yar waxaa u baahantahay fiiso waxaana aadaysaa safaarada Uk ee stockholm. hadii aadan shaqeyn aad ayey u adagtahay in aad heshid fiisahaas…
su,aal sxb ilmaha adiga in aad dhashay miyaa lanta socdaalka u sheegtay mise in ee walaalahaa yihiin
U codee:
0
0
ASC! ogeesiis dhamaan waxaa la ogeesiinayaa macaamisha sharafta leh oo soo booqata bogaan waxay isticmaali karaan username waxayna qorikaraan su,aalkasta ee u baahdaan, qofkii fahma su,aalaha wuu caawinkaraa qofka juwaab raadiska ah!
U codee:
0
0
Asalam caleykum walaal Axmed, arintaas hada ka hor ayaan waydiiyay qof ka tirsan Laanta Socdaalka runtiina jawaab fiican kama helin, balse waa dhibaato haysata bulshada Soomaalida. Waan ku celin doonaa su’aashaas, aad ayay muhiim u tahay.
U codee:
0
0
walaal waxaan jec lahay inaad su aashaan iga jawaabto walaal safaarada swedan waxeey isoo direen basaboor aniga iyo caruur tayda waana 7 caruur xitaa midka ugu yar waa laga rabaa ayeey idhaheen marka walaal soo dhib ma ahan hadaan qarash ku galno oo hadhow nalagu diido oo layiraahdo basa boor somali ma aqoon sanin marka walaal waxaan rabaa inaad taas igajaahil bixisid fadlan by ayaan mahadsanid
U codee:
0
0
Walaal sida ku cad warbixin ku qoran bogga laanta socdaalka , qofkasta oo qaxootinimo loogu dacwoonaayo waa in uu keensataa baasaboor xitaa Somalida.
Aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga ee cagaarka lama aqoonsana asaga, kan dambe ee dawlada hada jirta taas ma hubo balse waan soo xaqiinjin doonaa. Insha Allah. balse haddii ay baasaboor kuu direen waa in aad soo sameysaa, waxaa haboon in aad ayaga warbixin dheeri ah ka codsatid sida in ay kuu sheegaan baasaboorka ay rabaan.
U codee:
0
0
asc mar ka hore walaal waxaa isoo dacwoday ninkeyga aniga iyo caruur aan nin kale u dhalay marka waxaa uga la jirta gabar oo aan ku marsiineeno inee la dhalatay ninkeyga marka gabadhaas ma dhiigbaa laga qaadaya mise waa la qaabilaa ingoo raali ah iiga soo jawaaba waxana joogaa nairobi walal
mar dhaw ayaan aadi rabaa interveiw-ga marka intiii aan ku baxaroobi lahaa iigaga soo jawaaba mahadsanidiin walaal
U codee:
0
0
W/c/s walaal faadumo, dhiiga DNA waa laga yaabaa in ay ka qaadaan gabadha ama dadka oo dhan sida ku cad bogga laanta Socdaalka. walow aysan qasab ahayn hadana waa macquul in haddii aad diidid in ogolaanshaha laguu diido. dadka dhamaan kama qaadaan balse beryahaan waxaa na soo gaarayay in ay dhiiga aad u qaadaan.
U codee:
0
0
Faadumo waxba ha kacabsan hadii aad ilmaha kale dhashay waxaa laga yaabaa in diig aan la idinka qaadin,, hadii ee dhacdo in diig la idinkaqaado sidey sheegeyn lanta socdaalka waxay ilatahay in aad ka qaadan kartiin racfaan ama aad ku doodikartiin
U codee:
0
0
asc walaal waxaan kaa codsanayaa inaad su aalaha badan aad igu nicin fadlan walaal waxaan ku waydiiyay hadii oo dhiig jiro hadaan gabadhan iska daayo oo aan iraahdowaa la waayay nin bey raac day intaan aniga baxar ku gali lahaa ama aan racfaan kuqaadanlahaa walaal arintaa bal igala tali aniga ilmaheeyga anigaayaa dhalay walwal iguma hayaan laakiin gabadha ayaa walwal igu haydo fadlan ilasoo taliya walal mahadsanid by faadumo
U codee:
0
0
asc waxan ahay wiil soomaaliyed oo xaas leh iyo labo caruur oo kudhibaateesan kenya waxan wadan keega igakeenay dhibaato cabsi iyo baahi waxa wadan kaan ikeenay qaraan la ii soo aruurshey waxan idin kacodsanaaya in aad laanta socdaalka iyo hay adaha gargaarka aad codsigayga igu soo bandhigtaan fadlan waa wiil somaliyeed oo dhibaateysan waxan rajeeynayaa inaan jawaab wacan idiinka helo insha alaah waxaan ahay rajo kunool ilaah ayaan talasaartay fadlan wax ila qabta
U codee:
0
0
Wa caleykum wasalam walaal faadumo, kugu nici mayno suaalaha waayo boggan waxaan u furnay in aan dadka ku caawino. aniga sharci yaqaan ma ahi balse sida ku cad warbixinada ay sheegeen Laanta Socdaal iyo Hadala Somalidu isla dhex marayaan waa in dhiig laga yaabo in la inka qaado, sida aan soo dhagadheeyay haddii aad ilmaha aad wadatid qaar ka mid ah ay dhiiga ku dhacaan waxaa macquul ah in ay kaa reebaan. Laanta socdaalku waxay farta noogu fiiqeen warbixinta aan halkaan soo galiyay iyo mida kale ee ku jirta qaybta Information – ka ee ah “Sharciga degaanka ee reeraha isdalbanaya”
Walaal Maxamed Bashir anaga ma nihin qeyb ka tirsan Laanta Socdaalka, codsina uma gudbino balse haddii aan wareysi ka helo ayaan suaalo Soomaalida u muhiim ah u bandhignaa, waxaan ilaahey kuu waydiinayaa in uu dhibaatada ku haysata kaa saaro, safaarada Iswiidhan ee dalka aad joogtana waad la xiriiri kartaa. waa maxay dhibaatada ku heysataa?
Wasalamu caleykum.
U codee:
0
0
walaal waad mahadsantihiin dhibaatada ihaayso hadaan idiin sheego waxaan ahay wiil 25 jir ah ooxaas leh wax aan haysan shaqeeyn aniga iyo caruurtayda xaaskayga waxaan ku kala nool nahay laba meel ayada reer ayeey ushaqeeysaa ayeey la noo shahay anigana habeenba meel ayaan ku hoydaa dhibaa tadaas waxaa igu wacan wax la aanhadii maanta caruurta ay xanuun sadaan wax uma awoodo daruuf jirto awgeeda marka fadlan emeelka safaarada swedan hadaad haysaan igu saa cideeya by
U codee:
0
0
walaal dhibaatada aad sheeganeysid malaayiin Soomaali ah ayaa kula qabta. Haddii aad aaminsan tahay in aad ka helaysid caawimaad safaarada Sweden ee kenya telefoonadooda iyo emailkooda waxaad ka heli kartaa halkan http://www.swedenabroad.com/Consulates____74571.aspx
U codee:
0
0
asc walaal waad salaamantihiin dhamaantiina waxaan idiin su aalay sharciga cusub ee swedan ma wuxuu qabanayaa 15 april wixii ka bilaawda ama wixii ka horeeyay taas ayaan rabaa inaan ogaado fadlan iga soo jawaaba mahadsantihiin by faduma
U codee:
0
0
c/s walaal, sharciga waxa uu dhaqan galay 15-kii april, marka cidkasta ee dalab xareysatay waqtigaas ka dib wuu qabanayaa.
balse qofkii sharciga degenaanshaha Sweden la siiyay 1 janaayo 2010 ka hor ma qabanayo sharcigan.
U codee:
0
0
asc walaal waad mahadsantihiin sida sharafta badan aad igu soo jawaabteen walaal aniga waxaan xareestay maarso marka ninkeygana sharciga wuxu qaatay 1 janaayo sharcigiisana waa magan galyo caruurtaydana waa ay yaryartahay marka miyuu naqabanayaa ninkeygana wuu xanuunsanyahay xanuun ka qabanaya xaga madaxa sidii qalalkii ayaa loo qabanayaa marka fadlan iga soo jaahil bixiya waad mahadsan tihiin ok byy
U codee:
0
0
Walaal haddii ninkaaga uu soo galayo dadka haysta sababta qaas ka ah sida qofka naafada ee uusan shaqeysan karin xanuun hayo dartiis, sharcigaan ma qabanayo reerkiisana waa loo keenayaa sida ku cad xogta Laanta Socdaalka.
haddii ninkaaga goaanka laga gaaray wixii ka horeeyay 1dii janaayo sharciga ma qabanyo, haddii goaanka laga gaaray taariikhdu markay ahayd 1dii Janaayo lafteeda runtii ma hubo , waxaa haboon in uu suaalo xafiiska laanta socdaalka ee ugu dhow.
U codee:
0
0
asc dhaman walalyal waxaan rabaa in aan ogado sharciga swden ka so baxay ma qabanaya dadka laa siiyay 7 dicebar 2009 ee laa siiyay deeganasha thnxxxxxx waxaan raba in aan hooyaday u dacwodo
U codee:
0
0
asc waan idin salamaya mar labad waxan heelay sarciga 2009 ka bisi diiceebar marka waxaan doonaya in aan u dacwodo hooyoday iyo nin aan horay igu qornayn marka maxaa laa iga bahanyahay
U codee:
0
0
c/w/s walaal suaashaada hore, kuma qabanayo sharcigaan haddii aad u dacwooneysid nin ama caruur hore kuugu qornaa haddii lagu siiyay wixii janaayo 1 ka horeeyay sharciga, sida ku cad kor, suaashaada kale ma filayo in aad u dacwoon kartid hooyadaa. Ninka aan hore kuugu qorneyn haddii aad hada soo guursaneysid taas lafteeda in aysan aqbalin ayaa macquul ah sida wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan balse waan xaqiijin doonaa haddii alle idmo.
U codee:
0
0
asc walaal waad ku mahadsaantihin suaashi hore ee aan idin so waydiyay walaal waxaan anigu helay janayo wixi ka horeyey marka waxaa i qorna hooyo bees laakin hadaa ayaan nin isku gursanay afrika kaaso aan i qornay marki hore een is dhiibay marka hadaa miyan u daacawinkara ninkas hadan u dacanawo maxaa lagu xiidhaya
U codee:
0
0
walaal waa sabaax mar kale iga raali ahada way i qorntahay hooday marka waxa kalo i qoran in aayna hooyaday wax eehel ah haysan oo aniga kali aay i dhashay marka taasi maa i fududaynkarta keenita hooyaday wayna i qorntahay waad mahadsantihin
U codee:
0
0
Walaal aniga ma ihi sharci yaqaan runtii, balse dhinaca hooyada waa iska caday in aysan macquul ahayn haddii aadan sheegan da’a yar – waloow aad isku dayi kartid.
Xaga ninka aad soo guursatay waan kuu soo xaqiijinayaa Isbuuca soo socda Insha Allah.
U codee:
0
0
asc walaal waad salaamantihiin dhamantiina walaal waxaan ku way diiyay marka qofka inter viyuga lagaqaado inteey ayuu jawaab sugayaa yes no hadii oo imtixaanka sugaayay muda shan bilood ah fadlan hadii aad aqoon uleedihiin igasoo jaahil bixiya ok insha alaah
U codee:
0
0
faadumo walaal sida wararka nagu soo gaarayaan kenya waxay qaadataa 5 bilood iyo kampala oo la mid ah.
U codee:
0
0
asc walal wa idin salaamy dhamantiin aniga wax su,aal ah ma qabo lakin waxan halkan salan iyo bogaadin uga soo jedin lahaa JIMCAALE iyo webkan oo aan dhihi karo somalidu waebab badan oo ay ledahay waxan filaya inuu yahay weebkani mid ka wanaagsan ku wii hore ee badnaa sida ay dadka uga qancinayan markaad firiso su,aalaha marka sxb jimcaale halka ka sii wad waadna mahadsantahay
U codee:
0
0
salaan walaal jimcaale adiga iyo dhamaan bahda webkaan waa idin salamay waa yaasmiin oo joogta Addis Ithiopia intaa kadib walaal waxa horaant asanadkaan maray inter fiyuu iyadoo iminkana aan ka baqayo jawaabaha dadka badankii heleen ee baasaboorka marka taa maxa xal u ah baasaboor aan aqoonsi heesan hadana la isu dirayo ? tan kale sharciga ninkeega heesto oo ah sharciga bani aadamnimo ee bixiso sweden ma isaameenaa sharciyadaan la sheegayo
U codee:
0
0
salaan ka dib, walaal Yaasmiin baasaboor in laguu diraa waa macquul waana sida ay u badantahay ee ay ku sameeyaan dadka dalabka ka sameeya Kenya ama Ethiopia balse waxaan soo ogaaney in baasaboorka loo diro dadka uu yahay midka safaarada Soomalida ee wadamdaas ku taalo ay bixiyaan – waa run baasaboorka soomaaliga qiimo kama leh agtooda balse haddii ay kuu diraan waa in aad u hogaansantaa.
mida kale in uu ninkaaga sharcigan qabanayo iyo in kale dhowr xaaladood ayaa saameyn karta, sida haddii aad ilmo leedihiin, inta sano uu joogay wadanka. runtiina jawaabahaan oo saxa waxaa laga heli karaa safaarada Iswiidhan lafteeda.
sidoo kale akhriso wareysiga aan la yeelanay Hayda Socdaalka Sweden.
U codee:
0
0
asc walaal jimcale waxaan raba inaan ku suaalo adigoo rali iga ah sharcigaan maiqawanaya aniga waxaa iga maqan 4 caruur iyo abahooda waxaan qatay sharciga 2010 bisha 11aad e maiqawanaya sharcigaan walaal iga soo jawaab sharcigeygana wa degenaansho abadiyan ah wana mahadsantahay walaal
U codee:
0
0
Najma – warbixintaan waa mid hore, sharcigaan April 15 ma qabanayo dadka qaxootiga ah ee caruurta ka maqan yihiin. balse hada Soomaali kii caruur ka maqantahay iyo kii kaleba lama siiyo ogolaansho maadaama ay sharcigaan ka horeesay shuruuda baasaboorka.
U codee:
0
0