Home Wararka Maanta Haweeney lagu amray inay dib u celiso in ka badan 1.3 milyan...

Haweeney lagu amray inay dib u celiso in ka badan 1.3 milyan oo karoon oo ay ku heshay kaalmo

0
20211125 - Gravid kvinna söker information på Försäkringskassans hemsida med sin mobiltelefon. Foto: Isabell Höjman / TT / kod 11711

STOCKHOLM – Hay’adda Caymiska Bulshada ee Sweden (Försäkringskassan) ayaa ku amartay haweeney deggenayd degmada Täby ee waqooyiga Stockholm inay dib u bixiso lacag ka badan 1.3 milyan oo karoon, kaddib markii la ogaaday inay heshay gunnooyin iyo kaalmooyin aanay xaq u lahayn.

Sida ku cad go’aanka hay’adda, haweeneyda waxaa laga doonayaa inay dib u celiso 1,323,286 karoon, lacagtaas oo ay heshay sannado badan iyadoo qaadanaysay lacagaha carruurta, gunnooyinka fasaxa waalidnimada iyo taageerooyin kale.

Warbaahinta Mitt i ayaa sheegtay in haweeneyda iyo qoyskeedu ay ka guureen Sweden sannadkii 2019, balse ay weli sii wadeen helitaanka lacagahaas.

Hay’adda Försäkringskassan ayaa sheegtay in markii qoysku ka guuray Sweden ay dhammaatay xaqii ay u lahaayeen gunnooyinkan, taasoo sababtay in hadda laga dalbado haweeneyda inay dib u soo celiso dhammaan lacagihii si khaldan loo siiyay

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here