Home Wararka Maanta Baarlamaanka Sweden Oo Ansixiyay Sharci Cusub Oo Adkeynaya Shuruudaha Deganaanshaha,

Baarlamaanka Sweden Oo Ansixiyay Sharci Cusub Oo Adkeynaya Shuruudaha Deganaanshaha,

0

Stockholm – Baarlamaanka Sweden ayaa maanta meel mariyay hindise sharciyeedka ay soo jeediyeen xisbiyada heshiiska Tidö, kaas oo loo yaqaan “Hab-dhaqan aan wanaagsanayn” (Bristande vandel). Sharcigan cusub wuxuu siinayaa hay’adaha dowladda awood ballaaran oo ay ku diidi karaan ama ugala noqon karaan dadka ajaanibta ah oggolaanshaha deganaanshaha, iyagoo ku salaynaya hab-dhaqankooda iyo qaab nololeedkooda.

Ujeeddada sharcigan ayaa ah in la adkeeyo shuruudaha lagu helo ama lagu sii haysto deganaanshaha Sweden, isla markaana la kordhiyo fursadaha lagu diidi karo ama lagula noqon karo ruqsadaha deganaanshaha dadka aan buuxin shuruudaha loo arko inay muhiim u yihiin bulshada Sweden.

Sida ku cad wax-ka-beddellada cusub, mas’uuliyiintu waxay tixgelin karaan arrimo ay ka mid yihiin khatar ku ah nidaamka guud ama amniga dalka, ku lug lahaanshaha dambiyada, jebinta sharciyada iyo xeerarka, deymaha aan la bixin, ama helitaanka dakhli lagu kasbaday hab aan daacad ahayn.

Sharcigan ayaa sidoo kale ballaarinaya xaaladaha lagu laali karo ama lagula noqon karo deganaanshaha marka loo eego xeerarkii hore, iyadoo dowladda ay sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay in la xoojiyo awoodda lagu masaafurin karo dadka aan buuxin shuruudaha hab-dhaqanka ee looga baahan yahay inay ku noolaadaan Sweden.

Sharcigan waxaa taageeray dowladda Sweden iyo xisbiga Sweden Democrats (SD), waxaana la filayaa inuu saameyn ku yeesho siyaasadda socdaalka iyo deganaanshaha ee dalka sannadaha soo socda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here