Magan galyo doonka oo lagu taliyay in lacagta loo siyaadiyo
Lacagta la siiyo dadka aan wali sharciga qaadan ee magan galyo doonka ah ayaa lagu taliyay in la
siyaadiyo. Labo ka mid ah xisbiyada talada haya ayaa ku baaqay in dib loo eego lacagta la siiyo dadka sharci sugayaasha ah maadaama ay kor u kacday qiimaha nolosha ee wadanka.
Maanta ayaa la siiyaa dadka magan galyo doonka ah ee aan daganayn kaamamka lacag gaareysa 71 maalintii. halka kuwa kaamka degan ay qaataan 24 kr maalintii. Lacagtaas ayaan wax laga badalin ilaa sanadkii 1994 iyadoo hada xisbiyada Kristdemokraterna iyo Folkpartiet ay dalbadeen in dib loo eego arintaas oo haddii loo baahdo la siyaadiyo lacagta. Sixir bararka nolosha Sweden ayaa kor u kacay 26% ilaa sanadkii 1994.
Balse arinta ayaa waxaa isku qilaafsan xulufada dowlada. Xisbiga hogaanka u haya dowlada ee Moderaterna iyo xisbiga Centerpartiet ayaa iyagu aaminsan in aysan arintaan muhiimad lahayn. Oo ay ka haboontahay in qofka horta la siiyo magan galyo. Waxay ka cabsi qabaan haddii lacagta la kordhiyo in dad badan oo aan rajo ka lahayn in ay magangalyo ka helaan Sweden ay u yimaadaan lacagta oo keliya.
Ma ahan Sweden keliya wadamada doonaya in ay wax ka badalaan lacagta la siiyo magan galyo doonka. Wadanka Jermalka oo ah wadanka ugu qanisan Yurub ayaa bishii la soo dhaafay kor u qaaday lacagta dadka sharci la’aanta ah iyagoo ka dhigay 364 Euro.

Hidden due to low comment rating. Click here to see.
Fikrad aan lala dhicin
1
7
walal lacag nagama rabe sharci maisinayan
U codee:
3
2
dawladu maxay qorshe u diyarsiay dadka cusub o sharciyada qatay wax shaqo ah ma haynnee
U codee:
1
2
sxb lacag maanu rabnee sharci ma noo hayaan dadka loo diiday sharciga war maxaad u hayssaa
U codee:
0
0
AREY XOW AHAA HALKAAN GAFUURKA XUN EE AY JIMCAALE LEEYIHIIN, WAXOW QORO MUU WAYEY KKKKKK YAHOY XOW AHAA HALKAAN MAANKAALKA KA DHERGAY SAAN MIYAA WARIYENIMADADA .
U codee:
0
0
asc walaalo waxan ku su aalayaa waxan ahay hooyo somaliyeed oo wadankan ku dhalay två barn walina ku bilaa sharciya ee maxay dawladu ka damacsantahay dadkka walaal oo waliba laga goostay siddeed boqal oo kr waxayna isiiyaan kun kronon walaal ii soo jawab adiga oo raaliya walaalo
U codee:
0
0
waan ku salaamay jimcaale
U codee:
0
0
Asc jimcale waxaa jirta suaal aan mar ku soo waydiiyaya su aashaas oo ah ciyaalkeeyga ninka mas uulka iiga ah wuu ila soo korsadaay aabahoodna wax am dhaamo marka internedka aan dacwo uga xareeyaya ma la i aqbaalaaya ,ise waa la ii soo diidaayaa
U codee:
0
0
waana ninkeeyga hada i qabo
U codee:
0
0