Home Wararka Denmark Ylva Johansson ” Denmark waxay Carqaladeeneysaa Sharciga Geneva ee Yurub ”

Ylva Johansson ” Denmark waxay Carqaladeeneysaa Sharciga Geneva ee Yurub ”

0
Foto: Flavio Gasperini/AP/TT and Wiktor Nummelin/TT

Ylva Johansson oo ka tirsan Gudiga Midowga Yurub ee Arimaha gudaha ayaa ka hadashey dhibaatada ka dhalatay sharciga dhawaan uu Ansixiyay Barlamaanka Denmark.

Sharcigan oo ah in Qaxootiga iska dhiiba Dalkaasi la geeyo kaam ka baxsan Wadanka ayaa sidoo kale dhigaya in qofka dalkiisa hooyo loo celiyo hadii diidmo ama ogolaansho uusan helin.

Waxay sheegtay in Sharcigan uu yahay mid ka hor imaanaya xaquuqada aadanaha gaar ahaan in Denmark ay uga danleedahay in Qaxooti uusan iska dhiibin dalkeeda.

Ylva Johansson ayaa intaasi ku dartay in sharcigan uu sidoo kale ka hor imaanayo mid ka yurub madama uu yahay mid guud ahaanba isku qasan.

Denmarka ayaa dhaleyn xoogan kala kulantay wadamada Caalamka iyo kuwa Yurub marka la eego sharciga ay dhawaan Barlamaanka ogolaadeen.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here