Home Wararka Maanta Ma direysaa Warbixinta ( (aktivitetsrapport) ) Cilad ayaa ku timid Websaytka Xafiiska...

Ma direysaa Warbixinta ( (aktivitetsrapport) ) Cilad ayaa ku timid Websaytka Xafiiska Shaqada Sweden ee Arbetsförmedlingen

0

Websaytka Xafiiska Shaqada waxaa xilligan ka jira dhibaatooyin xagga farsamada ah oo ka dhigaya shaqada mid gaabis ah oo ay adag tahay in la isticmaalo, iyadoo sababta aysan cadeyn

Maanta, Juun 14, waa maalinta ugu dambeysa ee dadka shaqo doonka ah ay u soo gudbiyaan warbixintooda waxqabadka ee billaha ah (aktivitetsrapport) Xarunta Shaqada, taas oo ka dhigeysa xitaa mid aad muhiim u ah xalinta dhibaatooyinka farsamada iyo helitaanka adeegyada sidii caadiga ahayd.

Carqaladeynta adeegyada elektarooniga ah ayaa la filayaa inay jahwareer ku keento dad badan oo shaqo doon ah oo laga rabo inay maanta soo gudbiyaan warbixintooda isla markaana helaan lacagta kaalmada hadaba hadii aad aragto cilad waxaad ogaataa in ay tahay mid ka jirta xafiiska shaqada.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Shaqada ayaa TT u sheegay “waxaan hada ka shaqeyneynaa helitaanka dhibaatada u muuqata inay saameysay goobta ( Platsbanken ). Waa ahmiyadeena ugu sareysa hada inaan xallino dhibaatada oo aan dib u helno oo deg deg ugu shaqeyno sida ugu dhaqsiyaha badan. ”

somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here