Xisbiga Socialdemokraterna ee Sweden oo soo jeediyay in la Mamnuuco Iskuulada Diimaha ee Madaxa Banaan

Xisbiga Socialdemokraterna ee Sweden ayaa maanta soo jeediyay in la Mamnuuco iskuulada Diimaha ee Madaxa banaanka kana jira Dalka.

Wasiirada Waxbarashada Sweden Anna Ekström oo shir jaraa’id qabatay maanta ayaa sheegtay in Xisbiga S uu isku raacay mamnuucida iskuulada Diimaha ee madaxa banaanka.

Wasiirada ayaa shirkeeda ku sheegtay in Sweden u baahantahay iskuulo iskumid ah kana madax banaanka diimaha kuwaasi oo diirada saara waxbarasho oo kaliya.

Golaha Xisbiga ayaa arintaasi soo jeediyay waxana ay doonayaan in Sweden ka dhaqangasho.

Hadalka Wasiirkada ayaa ku soo aadaya iyadoo mid kamid ah Madaxda iskuulada ka jira Wadanka uu xabsi ugu jiro kadib eedeymo loo jeediyay sida dowlada sheegtay.

Somaliska Stockholm

Somaliska Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*