Laanta Socdaalka oo laga dalbay Lacag Magdhow ah oo ku aadan Guryaha laga kiraayay Qaxootiga

Sanadkii 2015 waxa uu ahaa sanadkii ugu adkaa markaasi oo Qaxooti badan dalka iska dhiibeen.

Laanta Socdaalka ayaa xiligaasi u baahatay guryo dheeri ah waxana ay Shirkadaha qaar ka kireesatay guryo si loo dajiyo dadkii iska dhiibay wadanka.

Mudo kadib dadkaasi ayaa iskaga baxay guryaha waxana waxyeelo soo gaartay guryaha laga kireeyay laanta socdaalka.

Sida uu sheegayo Eric oo kamid ah Malkiilayaasha guryaha waxay laanta socdaalka ka sugayaan bixinta lacag ku dhow 220 milyan oo ah lacagta lagu dayac tirayo guryahooda.

Qaxootiga xiligaasi la dajiyay guryaha ayaa waxyeelo xoogan u geestay.

Dacwad ku socoto laanta socdaalka ayaa hada la gudbiyay sida uu qoray joornaalka Expressen.

Somaliska Stockholm

Somaliska Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*