Home Wararka Caalamka Xisbiga SD oo kasoo horjeestay in Sweden laga Mamnuuco Quraan Gubista

Xisbiga SD oo kasoo horjeestay in Sweden laga Mamnuuco Quraan Gubista

0
Foto Henrik Montgomery / TT

Jimmie Åkesson ayaa iska fogeeyay dhammaan noocyada sharci ee lagu joojinayo gubista qur’aanka kariimka ah, wuxuuna ka digay in xisbiga Sverigedemokraterna uusan noqon doonin xisbi taageero mustaqbalka.

– Hadalka ku saabsan in la dhimo xoriyatul-qowlka, ayaa iga dhigaysa niyad-jab, ayuu yidhi hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna (SD) khudbaddiisii xagaaga ee Sölvesborg.

Åkesson waxa uu ku qaatay xagaagii oo dhan meel ka baxsan indhaha dadweynaha, kamana qayb qaadan doodda ka dhalatay gubista qur’aanka kariimka ah, mudaaharaadyo, rabshado iyo heerar hanjabaad ah oo kordhay.

Khudbada xagaa waxa uu ku soo qaatay soo jeedintii maalin ka hor ka timid dawladda Denmark ee ahaa in la mamnuuco in dadwaynaha lagu gubo qur’aanka kariimka ah iyo qoraalo kale oo diini ah.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here