Home Wararka Caalamka Afar Qof oo lagu Dhaawacay Toogasho ka dhacay Dalka Denmark

Afar Qof oo lagu Dhaawacay Toogasho ka dhacay Dalka Denmark

0
Photo: Philip Davali / Ritzau Scanpix / NTB

Hal qof ayaa dhintay afarna waa la dhaawacay kadib markii laba nin oo wajiyada soo duubtay ay rasaas ku fureen fiidnimadii Sabtida magaalada Christiania ee Caasimada Copenhagen, sida ay booliisku sheegeen.

Dhibbanaha la dilay oo 30 jir ah ayaa caan ka ah deegaanka burcadda u badantahay, sida uu sheegay taliyaha bilayska Poul Kjeldsen oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Denmark, sida uu sheegay TV-ga Danishka 2.

Labada nin ee falkan geystay ayaa mid walba waxa uu ku hubaysnaa qori waxana uu goobta uga baxsaday dhanka Langebro, sida uu sheegay Kjeldsen.

Xaaladda mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ahayd mid halis ah, balse hadda waa ay deggan tahay. Kuwa kalena dhaawacyo fudud ayay qabaan, sida uu sheegay Kjeldsen.

Sida laga soo xigtay booliska Denmark, toogashadu waxay ka dhacday gudaha iyo hareeraha Stjerneskibet, oo ku taal Pusher Street. Booliska ayaa xiray aag ballaaran oo halkan ah.

Booliiska ayaa la ogeysiiyay dhacdada wax yar ka hor 7.30pm. Ku dhawaad saacad ka dib, booliska ayaa xaqiijiyay in dhowr qof ay haleeshay rasaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here