Home News in English Xisbiga SD ” Magangalyadoonka Waxaa ku Baxda 93 Bilyan Sanadkii

Xisbiga SD ” Magangalyadoonka Waxaa ku Baxda 93 Bilyan Sanadkii

0
Foto Henrik Montgomery / TT

Xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa sheegay in socdaalka magangelyo doonka ay Sweden ku baxdo 93 bilyan oo koron sannadkii.

Xisbigu waxa uu tirokoobkiisa ku saleeyay daraasad ay sameeyeen 2009 koox khubaro ah oo khusaysa daraasaadka dhaqaalaha dadweynaha.

Daraasadda ayaa bixisay saadaasha qiimaha dhammaan dadka soogalootiga ah 2007-2050. SD waxay raad raacday natiijadii 15kii sano ee ugu horeeyay 2007-2021 ka dibna waxay dib u xisaabisay natiijooyinka ECBRI oo ku salaysan socdaalka dhabta ah.

“Dowladdu waxay sheegtay in meesha ugu hooseysa ay ka taagan tahay magangalyada, balse ay been u sheegayso shacabka Sweden” ayuu yiri Madaxa xisbiga SD Jimmy Okesson oo maanta shir jaraa’id qabtay. Sida uu sheegay TT.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here