Home News in English Booliska Sweden oo ka hadlay Sababta Keentay inay Yaraadaan Toogashooyinka Järva

Booliska Sweden oo ka hadlay Sababta Keentay inay Yaraadaan Toogashooyinka Järva

0

Booliska Dalka Sweden gaar ahaan qeybta Järva ayaa sheegay Sababaha keenay inay yaaraadaan Toogashooyinka ka dhici jiray Nawaaxigaasi.

Afayeenka Booliska Järva oo arintan wareysi ka bixiyay ayaa sheegay Sababta ugu weyn inay aheyd Xiriir dhexmaray Bulshada gaar ahaan waalidka iyo Booliska.

Taliyaha booliska degmada Järva Anders Djorstad oo arintaas ka hadlaya ayaa idaacada Iswiidhan u sheegay “Waxa ugu horeeya ee aanu samayno waa in aanu isku dayno in aanu helno shakhsiyaadkaas,

Isagoo hadalka sii wata ayuu yiri “ka dib waxa aanu bilownaa shaqo iyo wada hadal, anaga oo sharxaya khatarta ka iman karta, iyo waliba in laga qayb galiyo qoysaskooda, si qof kastaa u wada shaqeeyo. si loo badbaadiyo nolosha. Waa muhiim in taageerada qoysku ay qayb ka noqoto shaqadeena.

Wada Shaqeynta Labada Dhinac ayaa keentay in aan Nawaaxigaasi lagu qofna tan iyo Bishii Janaayo ee Sanadkan.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here