Home News in English Raisal Wasaaraha Finland oo Mar Kale Muran ka dhalisay Dalkeeda Kadib Muuqaal...

Raisal Wasaaraha Finland oo Mar Kale Muran ka dhalisay Dalkeeda Kadib Muuqaal laga duubay

0

Ra’iisul wasaaraha Finland Sanna Marin ayaa mar kale kicinaysa muran ka taagan dalkeeda ka dib markii ay fideen muuqaalo qoob ka ciyaar ah oo ay sakhraansan tahay xilli ay xaflad gaar ah socotay.

Qaar ka mid ah dadka dhaleeceeyay waxay ku eedeeyeen inay daroogada qaadatay, halka Marine ay tiri, “Maan samayn daroogo, kaliya waxaan cabbay khamriga.”

Haweeneydan oo 36 jir ah ayaa ra’iisul wasaaraha Finland soo noqotay tan iyo sanadkii 2019-kii, waana ra’iisul wasaaraha ugu da’da yar caalamka. 

Marin ayaa dhawaan ka soo muuqatay muuqaallo gaagaaban oo ku saabsan habeen farxadeed oo qoob-ka-ciyaarka ah oo ay ku qaadaysay heesaha pop-ka ee Finland oo ay weheliso xubin xisbigeeda ah iyo xildhibaan Elmari Nurminen, iyo kuwo kale. 

Muuqaalladan ayaa muran badan ka dhaliyay gudaha dalka Finland, taasoo keentay in Ra’iisul Wasaaruhu uu iska difaaco saxafiyiinta hortooda, iyadoo sheegtay inay niyad-jabsan tahay, iyadoo intaas ku dartay “Muqaalladan waxay ahaayeen kuwo si qarsoodi ah loo duubay, waxaana ka xumahay inay ku faafeen shacabka.”

Xafladda ayaa dhacday todobaadkii hore, balse lama oga cidda soo bandhigtay cajaladaha.
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here