Home News in English Xisbiga Moderatka oo soo jeediyay in aad loo yareeyo tirada Qaxootiga Sweden

Xisbiga Moderatka oo soo jeediyay in aad loo yareeyo tirada Qaxootiga Sweden

0

Xisbiga Moderaterna ayaa soo jeediyay fikir la xiriira in aad loo yareeyo tirada dadka magangelyada dalkan ku hela, isla markaana aaney ka badan inta u dhexeeysa 5 000 illaa 8 000.

– Sweden waa inay aad hoos ugu dhinto tirada magangelyo doonka, sidaay sheegtay af hayeenka xisbiga M ee arrimmaha socdaalka Maria Malmer Stenergard.

Xisbiga ayaa aaminsan in tirada socotada ee dalkan deggenaanshaha ku hesha lala mid dhigo inta soo gasha waddammada deriska ee Danmark, Norge och Finland, sida ay sheegtay.

Waxay middaasi macnaheedu tahay tiro u dhexeeysa 5000 illaa iyo 8 000 oo qaxooti ah sannadkii. Tiradaasi ayaa ka dhignaan lahayd hoos u dhac 70% tirada maanta dalka timaada, sida uu sheegay guddoomiyaha xildhibaannada xisbiga u metela baarlamanka Tobias Billström.

Intii lagu guda jiray sannadkii 2018 waxaa la qaabilay soo galooti gaarsiisan 21 000.

РWaa tiro aad u badan, isla markaana waa mid aad uga ballaaran awoodayada waddan ahaan, sida uu sheegay Billstr̦m.

Xisbiga ayaa fikirradiisan soo bandhigay ka hor inta aan la abuurin guddi xildhibaanno ah oo baaris ku soo sameeya siyaasadda soo galootiga Sweden ee mustaqbalka oo howl geli doona toddobaadka foodda innagu soo haya. Guddiga ayey xubno ka yihiin dhammaan xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka.

Si haddaba loo gaaro goolka xisbiga Moderaterna ee dhimista tirada soo galootiga waa in ogolaanshaha deggenaansho gundhig looga dhigo sharciga deggenaanshaha ee ku meelgaarka, in la adkeeyo xeerarka mideeynta qaraabada iyo in la ballaariyo nidaamka shuruudda isku fillaanshaha ee mjideeynta qooyska – försörjningskraven waxa afka iswiidhishka lagu yiraahdo.

Xisbiga Moderaterna ayaa sidoo kale ka soo hor jeeda in la abuuro qodobbo hor leh ee lagu kasban karo magangelyo.

Sweden ma xaddidi karto inta qof ee magangelyo soo codsan kaarta dalka. Bani’aadamkuna wuxuu xaq u leeyahay in dalabkiisa magangelyo la eego, waana heshiis caalami ah.

РTirada ayaa noqon karta mid lagu xakameeyo, sida uu sheegay Billstr̦m.

Haddii uu caalamka ka dhaco qax cusub oo aad u fara badan, waxaa siyaasadda xisbiga Moderaterna lagu xakameeyn kari lahaa tirada mideeynta qaraabada ama saamiga qaxootiga ee dalkani ka soo daadguro xeryaha qaxootiga.

Billström ayaa sidoo kale carabka ku dhuiftay in xitaa doodda la iskula soo qaadey tarxiil toos ah oo xuduudaha laga sameeyo xaalad adag oo qaxooti haddii la galo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Sverigeradio

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here