Home Wararka Maanta Laanta Socdaalka ee Migrationsverket oo wax ka badashay Xaalada Qaxootiga Dalka Suuriya

Laanta Socdaalka ee Migrationsverket oo wax ka badashay Xaalada Qaxootiga Dalka Suuriya

0

Wakaaladda Socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa bedeshey qiyamka qaxootiga Suuriya iyo sidii ay u qiimayn jirtey dadka magan gelyo doonka ah ee ka yimaada dalkaasi.

Iyadoo sheegtay in xilligan ay jiraan magaalooyin badan oo Suuriya ku yaalla oo aanu ka jirin khilaaf dhiigle ah oo hubaysan, sida uu qabo madaxa laanta sharciga hay’addaasi ee Fredrik Beijer.

– Haatan waxaan u jeednaa inay rabshaddii yaraatay, waloow ay weli meelaha qaar halis amaan yihiin Suuriya. Balse marka la eego qiimaynteenna ma aragno halis guud oo dadka wada saamaynaysa. Balse waxaan kiiska qof kasta oo ka mid ah dadka magan gelyo doonka ah ee Suuriyaanka ah u qiimayn doonnaa si shakhsi ah, ayuu yiri.

Wakaaladda Socdaalka ayaa sidaa ku bedeleeysa aragti ay ku shaqaynaysay tan iyo 2013-kii, iyadoo qabta in qaybo badan oo Suuriya ka tirsani aanay u halis badnayn sidii ay ahaayeen 6 sanadood kahor. Waxay qiimayntani khusaynaysaa gobollada koonfureed ee u dhow Dimishiq, woqooyiga Suuriyana ilaa Xasaakah iyo sidoo kale dadka ka yimaada gobolka Galbeedka Suuriya ee Dardaas, waloow ay halkaa kasoo baxayaan warar is yara burinaya.

Dowladda Sweden ayaa aaminsan in inkastoo ay dagaallo sokeeye ka jiraan Dardaas, aanu misna heerka gacan ka hadalku ahayn mid fara ka bax ah oo cid kasta si wadareed u saamaynaya.

Meelaha ay Wakaaladda Socdaalku u calaamaysay inay weli ka taagan yihiin dagaallo sokeeye ay dadku si tarab tarab ah ugu hoobanayaan waxaa ka  mid ah gobollada: Xalab, Idlib, Raqqa, Xama, Xumis iyo Deir ez-Zour.

Fredrik Beijer ayaa ka hadlaya sida ay taa u qiimeeyeen.

– Waxaan sidoo kale aragnaa xaalado aad halis u ah oo weli ka jira Suuriya, waa in taa la xusuusnaadaa, balse waxaannu u baahan nahay in aannu si taxaddar leh u eegno kiiska shakhsiga magan gelyada codsanaya. Haatan qiimaynteenna waxaa u muhim ah halista uu qofku shakhsiyan ku jiro iyo dhibka uu sheeganayo, ayuu raaciyay.

Si kastaba, Wakaaladda Socdaalka ayaa sheegtay in aanu go’aankani saamayn doonin dadka Suuriyaanka ah ee ay Sweden horay u magan gelisey ee haysta deganaanshiyaha qaxootinnimo iyo kuwa ku yimid barnaamijka dib u midaynta qoysaska.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverie

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here