Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo go’an kasoo saartay in Xijaabka ama niqaamka laga Mamnuuco...

Dowlada Sweden oo go’an kasoo saartay in Xijaabka ama niqaamka laga Mamnuuco Iskuulada

0

Dhawaan Xisbiga Moderatka ayaa soo jeediyay in Dowlada ay goobaha Waxbarashada ka mamnuucdo xirashada Niqaamka qoorta la gashto ama xijaabka kale ee qaataan dadka muslimka ah.

Fikirka Xisbiga Moderatka waxaa ka hadlay Dowlada Sweden oo diiday in xijaabka la mamnuuco iyadoo sheegtay in qofna aanan si qasab ah loogu qasbin wax uusan rabin taasi oo ka hor imaaneysa xornimada.

Wasiirka Waxbarashada Sweden Anna Ekström oo la hadashey Joornalka Dagens nyheter ayaa sheegtay sidan ” Waxaan heysanaa xornimo aan ku dooraneyno diinteena anaga oo joogna Sweden mana jirto qof lagu qasbayo in xijaab ama niqaamka uu tuuro”

Anna Ekström ayaa dhanka kale waxay sheegtay in qofna aanan lagu qasbi karin in uu xirto xijaab isagoo diidan in uu qaato Xijaabka.

hadalka Anna Ekström ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan warbaahinta gudaha ay hadal heysay war kasoo baxay xisbiga Moderaterna kaasi oo lagu codsaday in xijaabka la mamnuuco.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here