Home Wararka Maanta Xisbiga KD oo la shaqeenaya SD iyo Moderate-ka oo ka hadlay wada...

Xisbiga KD oo la shaqeenaya SD iyo Moderate-ka oo ka hadlay wada shaqeynta Xisbigaasi.

0

Hogaamiyaha xisbiga Kristdemokraterna, Ebba Busch Thor,ayaa  bogga Facebook ku cadeeysay in xisbigeedu wadashaqeeyn siyaasadeed la yeelan karaan Sverigedemokraterna.

Su´aalaha aanu qeeybsanayno isku fikir khalad uma arko in aanu ku raacno, ayey qortay Ebba Busch Thor maanta ka dib uu hogaanka sare ee xisbigani go´aamiyay in KD la shaqeeyso dhamaan xisbiyada barlamaanka iyadaa oo aan laga reebin SD.

Hasayeeshe ayey qortay Busch Thor in xisbiga Moderaterna weli yihiin kuwa ay wadashaqeeynta ugu badan le yeelan doonaan. Waa sida ay rajeeynayso.

Hogaamiyaha xisbiga SD Jimmy Åkesson ayaa islamarkiiba jawaab ka dhibay qoraalka Ebba Busch Thor.

-Waan soo dhaweeynayaa go´aanka xisbiga KD, ayuu qoray.

lakin hogaamiyaha xisbiga M Ulf Kristerson ayaa sheegay in marna uusan isbaheysi la sameyndoonin xisbiga SD lakin uu wada hadal la gali karo.

-Ka dib heshiiskii ka dhaxeeyay dawladda iyo xisbiyada MP, L iyo C wax badan ayaa iska bedelay siyaasada dalkan. Madama ay sidaas noqotay waa in xisbigeeygu ka fekero si aanu u kordhin laheeyn taageerayaasheena, marka waa in dhamaan xisbiyada barlamaanka la hadalno iyadoona laga reebin xisbiga SD sida ay siyaasadeenu uga dhex muuqato dalkan, ayey sheegtay hogaamiyaha xisbiga KD Ebba Busch Thor.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here