Home Wararka Caalamka Xisbiga Centerpartiet oo soo Jeediyay in kBarlamaanka Sweden Laga Mamnuuco App-ka TikTok

Xisbiga Centerpartiet oo soo Jeediyay in kBarlamaanka Sweden Laga Mamnuuco App-ka TikTok

0

Xisbiga Centerpartiet ayaa ku baaqay in la mamnuuco isticmaalka TikTok ee xubnaha iyo shaqaalaha baarlamaanka Sweden.

“Waxaan u maleyneynaa in la joogo waqtigii la dhihi lahaa baarlamaanka dhexdiisa waa inaadan Tiktok ku haysan, ayuu yiri afhayeenka xisbiga Center-ka ee dhanka digitization iyo amniga internetka, Nils Parup-Petersen, oo la hadlay wakaaladda wararka Sweden ee TT .

Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta baarlamaanka lagu sifeeyay inay yihiin “amniga” oo ay heli karaan xog laga yaabo inay dani ugu jirto dowladda Shiinaha, ayuu yiri.

Waxa uu yidhi, “Waa in ay tahay dhibaato dhab ah. Waa waqtigii la soo afjari lahaa.”

Xisbiga ayaa arrintan soo bandhigi doona toddobaadka soo socda oo qayb ka ah kulanka madaxda kooxda ee baarlamaanka.

Waxayna baarlamaanka Yurub go’aansadeen inay mamnuucaan adeegsiga codsiga TikTok ee xubnahooda iyo shaqaalahooda, waxa ay ugu yeereen sababo amni

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here