Home Wararka Caalamka Qof laga Ceshaday Sharciga Deganaansha Rasmiga oo lagu baahiyay Baraha Bulshada

Qof laga Ceshaday Sharciga Deganaansha Rasmiga oo lagu baahiyay Baraha Bulshada

0

Baraha Bulshada ayaa lagu baahiyay Sawiro muujinaya Qof laga ceshtay Deganaanshaha Rasmiga uu ku lahaa Wadanka Sweden hadaba maxaa ka jira in Qof laga ceshto Sharciga Rasmiga.

Sharciga dhigaya in Qofka laga ceshto  Deganaanshaha Rasmiga kuna heshiiyeen Xisbiyada dowlada ayaanan wadanka Sweden wali ka dhaqan galin lakin Waxaan dib u eegeynaa Sababo kale oo Qofka looga ceshan karo Deganaanshaha Rasmiga kuwaasi oo maanta jira.

Qofka heesta Deganaansho Rasmi ah Waxa uu dal kale joogi karaa ugu badnaan Sanad hadii ay dhacdo inuu jooga sanad ka badan Hay’ada Laanta Socdaalka waxay Xaq u leedahay inay Sharciga Dib uga ceshato ama ay baabi’iso.

Hadii uu Qofka joogo Meel ka baxsan Dalka mudo dheer isla markana Macluumaadkiisa uu ka bixiyo Xog Khaldan Waxaa isna laga kansali karaa Deganaanshihiisa.

Waxaa jirta Sabab uu Qofka ku jooji karo Dal kale mudo ka badan labo Sano waana Hadii uu Ogeysiis siiyo Laanta Socdaalka sida Sabab keeneysa inuu halkaasi joogo.

Lama Cadeyn karo Sababta ka danbeysa Warqada baraha bulshada lagu wareejinayo ee ku aadan go’anka laanta socdaalka.

Heshiiska Tidö ee Dowlada ayaa dhigaya in la adkeeyo qeybo kamid ah Sharciyada ka jira wadanka kuwaasi oo wali aanan bilaaban.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here