Home Wararka Caalamka Qofka oo iska Bixinaya Lacagta Turjumaada ee Luuqada, Dowlada Sweden oo Bilaabeysa...

Qofka oo iska Bixinaya Lacagta Turjumaada ee Luuqada, Dowlada Sweden oo Bilaabeysa Sharciga

0
Photo/Fredrik Sandberg/ TT

Sida uu dhigayo heshiiska Tidö dowladda, ayaa ka fiirsanaya inay lacag ku soo rogaan dadka u baahan turjumaada la macaamilka maamulka iyo daryeelka caafimaadka. 

Qorshahan ayaa ah xaalad ka jirta wadamada deriska ah, iyadoo shaqaaleysiinta turjumaanka isbitaallada Danishka ay ku kici karto ilaa 2500 karoon.

Afhayeenka arrimaha bulshada ee xisbiga Sverigedemokraterna (SD) Linda Lindeberry ayaa sheegtay in daryeelka caafimaadka ee Sweden uusan noqon karin mid ka reeban.

Fikradda heshiiska Tidö ayaa ah in muwaadiniinta Iswidhishka ama dadka haysta sharciga degenaanshada joogtada ahi ay bixiyaan kharashka turjubaanka ay u isticmaalayaan xiriirka ay la leeyihiin waaxda dadweynaha.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in tani ay dhimayso kharashaadka, isla markana siinayso dhiirigelinta barashada Iswidhishka iyo horumarinta isdhexgalka.

Tani waxay dabooli doontaa kharashka turjubaanka ee dhammaan qaybaha dadweynaha ee bulshada, laakiin soo jeedintu waxay dhaleeceyn xooggan ka keentay xisbiyada mucaaradka iyo shaqaale badan oo daryeelka caafimaadka ah iyo garsoorka.

Warbixin uu maanta daabacay wargeyska Svenska Dagbladet ayaa lagu muujiyay in dalal dhowr ah laga bixiyo qarashka turjumaada dadka dhowrka sano ku noolaa dalkaasi ama heysta dhalashada dalkaasi, sidoo kalena tani ay khuseyso daryeelka caafimaadka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here