Home Wararka Caalamka Saameyn ka dhalatay Xiritaanka Xaduudka looga gudbo Dalka Mareykanka, Mexico oo Sharci...

Saameyn ka dhalatay Xiritaanka Xaduudka looga gudbo Dalka Mareykanka, Mexico oo Sharci Cusub ku dhawaaqday

0
Photo/Mario Tama / Getty Images

Dowlada Mexico ayaa ku dhawaaqday go’an cusub oo saameyn ku yeelanaya Dadka dalkaasi ugu gudbaya Dalka Mareynka,

Mexico ayaa ku dhawaaqday in Qof walbo oo Dalkaasi iska dhiiba aysan helidoonin Warqada Qaxootiga taasi oo ka caawisa inay iska dhiibaan Dalka Mareykanka.

Masuul u hadlay Dowlada ayaa sheegay in Mexico diiday warqada ogolaashaha taasi oo Dowlada mareykanka aqoonsanyahay.

Dhanka kale Dowlada Mexico ayaa sheegtay in Qof walbo oo laga soo celiyo dhanka Mareykanka ay dib ugu celiyaan goobaha markii hore ay kasoo galaan.

Dhawaan ayay Dowlada Mareykanka ku dhawaaqday Sharci Cusub kaasi oo Dood badan dhaliyay.

Sharciga ayaana dhigaya in Qof walbo oo dhanka Xaduuda kasoo gala uu buuxiyo Foom uu ku cadeenayo Xogtiisa taleefanka hadii uu rabo in la qaabilo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here