Home Wararka Caalamka Nin Sitay Walxaha Qarxa oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee dalka Mareykanka

Nin Sitay Walxaha Qarxa oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee dalka Mareykanka

0

Booliska ayaa sheegay in nin la qabtay kadib markii laga helay boorsooyin la hubiyay waxyaabaha qarxa garoonka diyaaradaha ee gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Dacwad oogayaasha dowladda Federaalka ayaa sheegay in ninkan lagu soo oogay in uu garoonka ku heystay walxaha qarxa iyo in uu isku dayay in uu walxaha qarxa geliyo diyaarad.

Walxaha qarxa ayaa la sheegay in laga helay shandad uu 40-jirkan isniintii ku hubiyay garoonka caalamiga ah ee Lehigh Valley ee gobolka Pennsylvania. Boorsooyinka safarka ayaa la hubiyay inay aadeen garoonka Orlando Sandford ee Florida.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, qaraxa ayaa isugu jiray walxo si degdeg ah u gubanaya iyo rashka bakhaarka lagu iibiyo, waxaana la sheegay in walxahan ay khatar ku noqon karaan diyaaradda iyo rakaabka.

Boorsooyinka ayaa sidoo kale waxaa ku jiray waxyaabo kale oo laga shakiyay, sida ay sheegeen maamulka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here