Home Wararka Caalamka Hooyo Somaliyed oo Saddex Caruur ah ku dhashay Sweden oo laga Tarxiilayo...

Hooyo Somaliyed oo Saddex Caruur ah ku dhashay Sweden oo laga Tarxiilayo Sida Migrationsverket-ka uu ku dhawaaqay

0

Hay’ada Laanta Socdaalka ayaa Xukun Musaafurin ah u soo saartay Hooyo Somaliyed taasi oo Saddex Caruur ah ku dhashay Dalka Sweden.

Hooyada oo lagu Magacaabo Rihana Omer Aden ayaa Sweden ku sugneyd dhoor sano waxana mudadaasi ay ku dhashay Saddex caruur ah.

Hooyada Caruurteeda iyo Aabahood ayaa ku nool magaalada Arvika halkaasi oo kiiskooda ka furnaa Sanadihii ugu danbeeyay.

Aabaha iyo Caruurta ayaa heesta Dhalashada Dalka Sweden halka Hooyada aysan Heysan Wax sharci ah taasi oo keentay in laga tarxiilo Dalka.

Sida uu sheegay Qareenka Stefan Liliebäck Laanta Socdaalka maysan eegin Xaqa ay Caruurta ku leeyihiin Dalka.

Waxa uu sheegay in si bilaash ah uu ku caawinayo Hooyada taasi oo hada laga tarxiilayo Dalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here