Home Wararka Maanta Xeerar Cusub oo maanta ka bilowday Dalka Sweden, Shahaadooyinka Corona oo leeska...

Xeerar Cusub oo maanta ka bilowday Dalka Sweden, Shahaadooyinka Corona oo leeska doonayo goobaha Qaar

0
Foto Janerik Henriksson / TT

Maanta laga bilaabo Dalka Sweden Qofka booqnaya goobaha xiran ee iskugu yimaadaan Dadka badan waxaa laga doonayaa inuu muujiyo Shahaada Corona.

Goobaha Xiran ee Shirarka Dadweynaha kana badan 100 Qof ayaa loogu tala galay Xeerarka Cusub ee ku aadan in Corona Baskooda Cadeeyaan.

Dowlada ayaa sidoo kale talo ahaan ugu soo jeedisay Goobaha Maqaayada iyo Ganacsiyada kale inay Dadka Waydiin karaan corona Bas si looga fogaado Kiisaska Corona.

Bishii November ayay dowlada go’ansatay in goobaha Dadweynaha iskugu yimaadaan gaar ahaan shirarka in leesku waydiiyo Corona Bas.

Dalalka Caalamka ayaa durba bilaabay Sharciyada ku saabsan Corona Bas lakin Dalka Sweden ayaa wali tilmaamaya inaysan jirin halis dadka lagu waydiiyo baskooda goob walbo oo markaasi la booqdo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here