Home Wararka Caalamka Giriiga oo Bil Kasta 100 Yuuro Ku Ganaaxaya Dadka Aan Qaadan Talaalka...

Giriiga oo Bil Kasta 100 Yuuro Ku Ganaaxaya Dadka Aan Qaadan Talaalka ee ka Weyn Da’da.

0
Photo/Metro

Greece ayaa bilaabaya Xeer waajib ku ah dhammaan muwaadiniinta ka weyn da’da 60 kaasi oo ah inay laga tallaalay coronavirus. Haddii ay diidaan talaalka laga bilaabo 16 Janaayo waxaa lagu ganaaxi doonaa 100 euro bishii.

– Taasi waa qiimaha caafimaadka, ayuu yidhi Raiisel wasaare Kyriakos Mitsotakis, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.

Giriiga ayaa sidaas ku noqday waddankii ugu horreeyay Midowga Yurub si uu u sameeyo tallaalka corona mid qasab ku ah dadka qaarkood

– Go’aanku wuu adag yahay, laakiin waxaan dareemayaa masuuliyad saaran kuwa aadka u nugul, xitaa haddii dadku ku qanci waayaan, Mitsotakis ayaa sharaxay sidaasi.

Qiyaastii 63 boqolkiiba dadka Giriigga ayaa si buuxdaa looga tallaalay coronavirus, kaasoo ka hooseeya celceliska gudaha Midowga Yurub .

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here