Home Wararka Caalamka Afar qof oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay magaalada Munich ee Germalka

Afar qof oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay magaalada Munich ee Germalka

0
(Photo: ANDREAS GEBERT © Ritzau Scanpix)

Afar qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii bam duug ah oo ka dhashay dagaalkii labaad ee aduunka uu ku qarxay goob dhisme ka socday meel u dhow saldhiga tareenka ee mashquulka badan ee Munich horaantii maanta.

Markii hore waxaa la ogaaday in saddex qof ay ku dhaawacmeen, balse tiradaas ayaa hadda laga dhigay afar qof.

Dabdamiska Munich ayaa sidoo kale sheegaya in mid ka mid ah dadka uu soo gaaray dhaawac halis ah, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

In ka badan 2,000 oo tan oo bambooyin aan qarxinayaa sanad walba laga helaa Jarmalka, 70 sano kadib dhamaadkii dagaalka, Sida ay qortay Reuters.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here