Home Wararka Maanta Sweden oo Teleefanada Qoyska Baaritaan ku sameeneysa Si loo Ogaado Dhibaatooyinka ka...

Sweden oo Teleefanada Qoyska Baaritaan ku sameeneysa Si loo Ogaado Dhibaatooyinka ka dhex dhaca

0
Foto: Claudio Bresciani / TT

Maanta Sweden Ma Baari karto Taleefanada Qoyska sida fariimaha ay isku diraan hadii aysan jirin Dambi weyn oo dhacay oo keeni kara in la baaro.

Dowlada Sweden gaar ahaan Dowlada Cusub ayaa dooneysa in Barlamaanka la horgeeyo Sharci Cusub kaasi oo dhigaya in baaritaan lagu sameenayo taleefanka Qosyka iyadoo la ogaanayo Fariimaha leeskaga diro taleefanka si loo baaro hadii ay dhacdo hanjabaad ama arimo kale.

Talo soo jeedinta ayaa la hordhigayaa Barlamaanka hadii uu ogolaado markaasi Dowlada gaar ahaan Booliska waxa uu awood u yeelan doonaa Baritaanka Teleefanka marka uu jiro dhibaato qoyska ah.

Qoysaska badanaa waxaa ka dhaca dhibaatooyin sida caruurta oo la jirdilo ama loo hanjabo taasi oo dhibaato ka dhalata.

Si taasi loga hortago dowlada ayaa dooneysa inay sharcigan dhaqan galiso si loo xakameeyo arintan.

Mudo laga joogo afar sano ayaa sharcigan lasoo jeediyay lakin Hada Raisal Wasaaraha Cusub ee Sweden Haweeneyda lagu Magacaabo Magdalena Andersson ayaa dooneysa inay sharcigan ku guuleysato.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here