Dalka Norway gaar ahaan Degmada Elverum waxaa ku soo dhamaatay dhageysiga Dacwad lagu qaadayay Aabe iyo labo Caruur oo uu dhalay.
Aabaha iyo Caruurta ayaa lagu heestaa Falal Cunsurinimo la xiriirta oo ay kula kaceen Qoys Somali ah oo dariskooda ahaa.
Qosyka Somaliga ayaa la kulmay falal ay ka mid yihiin Cago jugleyd, Faquuq iyo Canjabaadyo kale oo loo geestay.
Xeer ilaaliyaha ayaa codsaday in aabaha eedaysanaha lagu xukumo shan bilood oo xadhig ah. Intaas waxaa sii dheer, dacwad oogaha wuxuu codsanayaa in wiilka 18 jirka ah lagu xukumo 30 maalmood oo xarig ah. Wiilka kale ee 16 jirka ah waa in lagu xukumo 65 maalmood oo xarig ah.
Aabaha iyo labada wiilba waxay diideen dambi ciqaabeed kadib dacwadii lagu soo oogay maxkamada degmada iyagoo sheegay in dambigooda uu ahaa dagaal kala dhaxeeyay Qoyska somaliga oo daris ahaayeen lakin aysan cunsurunimo aysan ku sameynin.
Somaliska Stockhlm