Stockholm – Dowladda Iswiidhan ayaa go’aansatay inay sii waddo taageerada dhaqaale ee lagu xoojinayo masaafurinta dadka loo celinayo Soomaaliya, inkastoo barnaamijkan uu la kulmay dhaliilo.
Wasiirka Socdaalka ee Iswiidhan, Johan Forssell, ayaa sheegay in tirada dadka dambiyada lagu helay ee loo masaafuriyay Soomaaliya ay si weyn u korortay tan iyo markii uu billowday iskaashiga labada dhinac.
“Waxaan aragnay koror shan jibbaar ah oo ku yimid tirada dadka dambiyada galay ee aan ku guuleysanay inaan u masaafurinno Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.
Muddo laba sano iyo bar ah oo uu socday iskaashigu, waxaa Soomaaliya loo masaafuriyay 45 qof oo dambiyo lagu helay, halka muddadii u dhexeysay 2014 ilaa 2022 la masaafuriyay 9 qof oo keliya.
Booliska Iswiidhan ayaa hadda gacanta ku haya 55 kiis oo la xiriira dad lagu xukumay masaafurin.
Dowladda Iswiidhan ayaa sannad kasta ku bixisa 5 milyan oo karoon barnaamijkan. Lacagtaas waxaa loo sii mariyaa Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), si loogu taageero kooxda isku-duwidda ee ka shaqeysa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, taas oo fududeysa fulinta masaafurinta.2








