Home Wararka Maanta Xisbiga Vänsterparties oo diiday Codsiga Dowlada si loo xaliyo Khilaafka taagan

Xisbiga Vänsterparties oo diiday Codsiga Dowlada si loo xaliyo Khilaafka taagan

0
Foto: Janerik Henriksson/Pontus Lundahl, TT

Xili maalinta Isniinta lagu balansanyahay in loo codeeyo dowlada si kalsooni uga hesho barlamaanka ayaa arintaasi waxaa ka hadlay wasiirka cadaalada Sweden isagoo u yeeray xisbiga V.

Wasiirka Cadaalada Morgan Johansson ayaa fariin u diray Xisbiga V taasi oo ku aadan casuumaad sidii looga hadli lahaa suuqa kirada guryaha oo hada ah khilaafka ka dhex dhashay Dowlada iyo Xisbiga V.

Xisbiga V oo arintaasi iyo codsiga Dowlada ka jawaabay ayaa sheegay in aan dib loo laabaneynin isla markana maalinta isniinta la kulmayo si loo rido dowlada hada jirta.

“Maxaa ka dhalan kara arintaan hadii ururka kireystayaasha uu ku danbeeyo xaalada ayay tiri gudoomiye ku xigeenka xisbiga Bidix Ida Gabrielsson

lama ogaan kara sida Xaalada noqon karto maalinta Isniinta markaasi oo xubnaha Barlamaanka ay leeyihiin kuwa codka kalsoonida loogu qaadayo dowlada uu hogaamiyo Stefan Löfven.

Doorashada Cusub ayaana la galidoonaa hadii Xubnaha Barlamaanka ay kalsoonida kala noqdaan xukuumada

Lasoco waxa soo kordha

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here