Home Wararka Denmark Denmark oo soo saartay Qorshe xoog loogu rarayo Ajaanibta degan Xaafada Qaar

Denmark oo soo saartay Qorshe xoog loogu rarayo Ajaanibta degan Xaafada Qaar

0

Dowlada Denmark ayaa soo saartay qorshe dhibaato ku ah Dadka ajaanibta ee ku sugan Dalkaasi waxana ugu danbeeyay Sharciga Qaxootiga lagu dajinayo wadan ka baxsan Yurub.

iyadoo taasi ay jirto Dowlada ayaa shalay meel marisay sharci dhigaya in Ajaanibta ku sugan Xaafadaha isku raranka ee wadankaasi la raro oo la dajiyo meelo kala duwan.

Sida uu sheegayo Wasiirka arimaha Gudaha gudaha iyo Guryeenta Denmark Kaare Dybvad Bek ayaa warbaahinta u sheegay in qorshaha uu yahay mid looga hortagayo in ajaanibta ay isku biirsadaan oo dagaan xaafadaha gaar ah.

Sharciga Cusub ayaa saameyn xoogan ku yeelanaya ku dhawaad 100,000 kun oo Qaxootig ah oo dagan xaafadaha qaar ee Caasimada Copenhagen oo ajaanibta ay gaar u daganyihiin.

Qorshaha ayaa ah mid dowlada ay taageero uga raadsaneyso Mucaaradka si ay u sii heyso xilka ay hada ku fadhiso.

Dalka Denmark ayaa ah dalka ugu horeeya ee Yurub kaasi oo soo saara Sharciyo adag oo Caalamka si aad ah uga falceliyay kuwaasi oo dhibaato ku ah dhanka Xaquuqada bini’aadantinimada.

Somaliska Denmark

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here