Home Wararka Maanta Norway oo Sweden kaga badan tirada Dadka u dhintay Xanuunka Cancerka

Norway oo Sweden kaga badan tirada Dadka u dhintay Xanuunka Cancerka

0

Intii u dhaxeysay 2010 iyo 2019, dad badan ayaa la soo sheegay inay u dhinteen kansar iyo cudurada sanbabada ee Norway marka loo eego Sweden, sida lagu sheegay tirakoobka machadka caafimaadka bulshada (FHI).

Isla mar ahaantaana, dad ka yar ayaa la soo sheegay inay u dhinteen cudurrada wadnaha iyo xididdada ee Norway marka loo eego Sweden.

Tirokoobyada ayaa sidoo kale muujinaya in Sweden ay u dhinteen 9,441 COVID-19 oo la xiriirta sanadka 2020, halka tirada Norwey ay ahayd 412.

Marka la isbarbardhigo tirooyinka iyo isbeddelka heerarka dhimashada inta u dhaxeysay 2010 iyo 2019, ku dhowaad 7,000 oo dhimasho ayaa jirta norway taasi oo ka badan tirada sweden , FHI ayaa qortay.

“Marka laga hadlayo inta u dhexeeya 2010 iyo 2019, kansarka iyo cudurrada sanbabada ayaa inta badan lagu soo waramayaa inay yihiin sababaha keena dhimashada Norway marka la barbar dhigo Sweden,” ayuu yiri dhaqtarka guud Guttorm Raknes.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here