Home Wararka Caalamka Xarunta Tareenada Slussen oo la Xirayo Dhoor Maalmood

Xarunta Tareenada Slussen oo la Xirayo Dhoor Maalmood

0

SL Trains oo maamusha tareenka magaalada Stockholm ayaa ku dhawaaqay in xarunta tareenada ee Slussen ee bartamaha caasimadda ay xirnaan doonto muddo afar maalmood ah.

Arrintan ayaa timid ka dib markii maamulka magaalada Stockholm uu ku dhawaaqay shir jaraa’id Arbacadii in ay bilaabayaan tijaabinta buundada cusub ee dadka lugeynaya iyo baaskiillada 22ka Sebtembar. Tani waxay socon doontaa afar maalmood.

“Marka la eego calaamadda ugu yar ee ah in tani ay saameynayso buundada metro, waxaan joojinay shaqada,” ayuu yiri Anders Osterberg, madaxa guddiga horumarinta.

Mashruuca cusub ee buundada baaskiilka iyo dadka lugeynaya ee isku xirta Slussen iyo Gamla Stan ayaa dib loo dhigay, iyadoo ay sabab u tahay colaadda ka dhex aloosan maamulka gobolka Stockholm oo SL uu qeyb ka yahay iyo dowladda hoose ee Stockholm. Toddobaadkii hore, SL waxay ku hanjabtay inay joojinayso isu-socodka metro-ga ee u dhexeeya saldhigyada Gamla Stan iyo Slussen haddii ay magaaladu dhegaysan weydo aragtideeda ku aaddan khataraha ammaanka.

Shaqada buundada lugaynta iyo baaskiilka waxay ahayd in la bilaabo July 31. Magaalada Stockholm ayaa hore u sheegtay in dib u dhigista bilawga dhismaha ay ku kacayso 1 milyan oo koron maalintii.

SL hadda ma awoodo inay caddayso khadadka iyo saldhigyada ay saamaynayso hakintan.

Xigasho: www.svt.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here