Home Wararka Caalamka Waalidka oo loo ogolaanayo inuu Qof Qaraabada ah ku Wareejiyo 90 Maalmood...

Waalidka oo loo ogolaanayo inuu Qof Qaraabada ah ku Wareejiyo 90 Maalmood oo Fasaxa Waalidka

0

Dawladdu ayaa ka Shaqeeneysa soo jeedin awood u siinaysa waalidiinta inay 90 maalmood ee “fasaxa waalidka” ku wareejiyaan qof kale oo u dhow nolosha ilmaha sida Qaraabada.

Dowlada iyo xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa sidoo kale raba in la kordhiyo maalmaha la wadaago ee fasaxa waalidka oo ah 30 ilaa 60 maalmood.

Dawladdu waxay u qoondaysay 20 milyan oo karoon miisaaniyada dayrta si ay u daboosho kharashaadka ka dhashay hindisahan. Sida laga soo xigtay TT.

Xisbiga mucaaradka ah ee Social Democratic Party ayaa dhaleeceeyay soo jeedinta ah in 90 maalmood oo fasax ah lagu wareejiyo qof aan waalid ahayn, cabsi laga qabo in si khaldan loo isticmaalo.

dowladda ayaa dhankeeda sheegtay in soo jeedinteedu ay ka dhigayso fasaxa waalidnimo mid dabacsanaan leh, taasoo u sahlaysa aabbayaasha ama hooyooyinka kelida haysta inay si fudud isugu daraan qoyska iyo nolosha shaqada.

Wasiirka Amniga Bulshada Anna TenĂ© ayaa sheegtay inay tahay “dib u habeyn muhiim ah oo sinaanta jinsiga.” Waxa ay intaasi ku dartay in nidaamkan cusub uu u baahan yahay in qofka ilmaha xanaaneynaya uu fasax ka qaato shaqada, taasi oo ka hortagaysa inuu si xun u isticmaalo.

Nidaamka cusub, marka la ansixiyo, wuxuu khuseeyaa dhammaan carruurta. Waxaa la filayaa in uu dhaqan galo July 1, 2024.

Waalidiinta Iswiidhan waxay xaq u leeyihiin 480 maalmood oo fasax lacag ah si ay u daryeelaan ubadka ilaa uu ka gaarayo da’da 12 ama uu dhammeeyo fasalka shanaad. Waalidiinta ayaa wadaaga maalmaha fasaxa, waxayna xaq u leeyihiin inay wada qaataan fasax 30 maalmood ah, taas oo ay hadda dawladdu doonayso in laga dhigo 60.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here