Home Wararka Caalamka Raisal Wasaaraha Italy oo Fariin dhanka Qaxootiga u diray Midowga Yurub

Raisal Wasaaraha Italy oo Fariin dhanka Qaxootiga u diray Midowga Yurub

0

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa ugu baaqday Midowga Yurub inay gacan ka geystaan sidii loo dhimi lahaa cadaadiska dalkeeda ka jira, kaddib markii ku dhawaad 8,500 oo qof ay soo gaareen jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga intii u dhaxeysay isniintii iyo arbacadii iyagoo soo raacay 199 doomood, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

Jaziirada Lampedusa ayaa wax ka yar 150 KM u jirta xeebaha dalka Tunisia, waxaana ay ka mid tahay meelaha ugu horeeya ee ay maraan dadka tahriibayaasha ah ee ka gudbaya badda Mediterranean-ka, iyagoo rajo ka qaba inay gaaraan Yurub.

Muddo 48 saacadood ah, waxaa socday dadaallo diblomaasiyadeed oo caalami ah oo xooggan oo ku saabsan dhibaatada socdaalka.

Shalay oo Sabti ahayd waxaa shir khadka taleefoonka ka dhacay oo ay isugu yimaadeen Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Faransiiska, Talyaaniga, iyo Jarmalka, wakiil ka socday Madaxtooyada Spain ee Golaha Midowga Yurub, iyo Madaxa Arrimaha Dibadda Yurub, Ylva Johansson.

Shirka ayaa lagu qabtay soo jeedin ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin, oo subaxnimadii Jimcaha wadahadalo la yeeshay dhiggiisa Talyaaniga Matteo Piantidosi iyo Jarmal Nancy Weiser.

Raiisel wasaaraha Faransiiska Elisabeth Bourne waxay tixgelisay in marxaladda hadda jirta ay u baahan tahay “guud ahaan midnimada Talyaaniga” iyo “abaabulka” Midowga Yurub, marka loo eego tirada sii kordheysa ee muhaajiriinta imaanaya jasiiradda Lampedusa.

Waxay ku sheegtay hadal ay siisay BFMTV in Madaxweyne Emmanuel Macron uu kala hadli doono arrintan Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Dhiniciisa, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jarmalka ayaa tilmaamay in Wasiir Weiser ay ku nuuxnuuxsatay in dalkeeda “ay had iyo jeer muujiso midnimadeeda ayna sii wadi doonto inay sidaas samayso.”

Madaxweynaha Komishanka Yurub Ursula von der Leyen ayaa booqan doonta jasiiradda Axadda, iyadoo ay wehelin doonto Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga, ka dib markii tirada dadka muhaajiriinta ah ee imanaya halkaas ay dhaafeen awooddooda, sida uu Midowga Yurub ku dhawaaqay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here