Home Wararka Caalamka Qof lagu dilay Toogasho ka dhacday Galbeedka Caasimada Stockholm

Qof lagu dilay Toogasho ka dhacday Galbeedka Caasimada Stockholm

0
Foto: Jonas Carnesten/Sveriges Radio

Nin da’diisa lagu sheegay afartameeyo jir ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray toogasho ka dhacday xaafadda Råcksta ee galbeedka magaalada Stockholm habeen hore, iyadoo booliska ay howlgal ballaaran ka wadaan xaafaddaas, waxayna ku raad joogaan mid ama dhowr ka mid ah raggii falkan geystay.

Booliska iyo ambalaasta ayaa lagu wargeliyay toogasho ka dhacday Valingby habeenimadii Sabtida, halkaas oo booliisku ay ka heleen ugu yaraan hal qof oo ku dhaawacmay rasaas.

Mats Eriksson, oo ka tirsan bilayska Stockholm, ayaa yiri: “Waxaan helnay dhowr taleefoon oo ku saabsan maqalka rasaas. Toogashada ayaa ka dhacday banaanka. Waxaa jira dhowr marqaatiyaal ah.

Wax yar ka hor saqdii dhexe, boolisku waxa ay ku soo qoreen boggooda in ninkan oo afartameeyo jir ah uu u dhintay dhaawaca soo gaaray.

Dhacdadan toogashada ah ayaa ka mid ah dhowr shil oo ka dhacay Stockholm iyo Uppsala todobaadkii la soo dhaafay.

Xigasho: www.svt.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here