Home Wararka Caalamka Dad badan oo Xaq u yeelanaya Lacagta A-kassa-da Sida ku Cad...

Dad badan oo Xaq u yeelanaya Lacagta A-kassa-da Sida ku Cad Hindisaha Cusub ee Dowlada

0
Foto: Björn Lindahl

Dad badan ayaa Xaq u yeelanaya inay heli karaan lacagta A-kassa-da ee la siiyo dadka shaqada kasoo dhamaato sida ku cad warbixin lagu daabacay Warbaahinta Ekot.

Hindise cusub oo Dowlada ku dhawaaqday maanta ayaa dhigaya in Qofka loo eego dhaqaalo ahaan halka loo eegi lahaa shaqada uu ka shaqeeyo maanta iyo waqtiga uu ku heesto.

Qofka dalbada lacagta ayaana helaya hadii dhaqaalaha soo galo uusan ku filneyn sida uu dhigayo hindisaha cusub.

Waxa aanu horey ugu socon doonaa sanadka soo socda hindise cusub oo ku saabsan sanduuqa badbaadada bulshada oo qaab casri ah laga dhigay, ayuu yidhi Johan Pehrson (L), wasiirka suuqa shaqada.

Sida ku cad soo jeedinta miisaaniyada soo socota ururka a-kassor ee Sweden ayaa heli doona 50 milyan oo karoon si uu u diyaariyo qorshahan.

Soo jeedintu waxay ka dhigan tahay in dad badan ay xaq u yeelan doonaan badbaadada bulshada, sida uu qabo SR.

Sidoo kale way sahlanaan doontaa in laga codsado kaalmo dhaqaale Hay’ada A-kassa, tusaale ahaan, dadka heystay dhawr shaqo-bixiye.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here